Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa barqadii maanta wiil dhalinyaro ah ku toogtay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Catoosh Xaaji Cali ayey ciidamada u toogteen sabab aan ilaa iyo hadda la aqoon iyadoo askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday sida la sheegay.
Goobjoogayaasha ayaa Caasimadda Online u sheegay in mid ka mid ah askarta ilaalada ka haya dhismaha wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye uu toogtay wiilka.
Ehelada wiilka ayaa gaaray goobta lagu dilay wiilkooda, waxeyna kasoo qaateen meydka iyadoo aan wax faah-faahin ah laga bixin dhacdadaan.
Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhismaheeda dib loo bilaabay shalay kadib muddo lix bilood ah oo hakad la galiyay.
source https://www.caasimada.net/askari-ka-tirsan-ciidanka-dowladda-oo-wiil-dhalinyaro-ah-ku-toogtay-duleedka-muqdisho/
0 Comments