Muqdisho (Caasimadda Online) Kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka kaas oo ah kan ugu dambeeya xukuumadda hadda jirta ayaa ka furmay Muqdisho, inkastoo khalalaaso la galiyay khudbadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadana waxaa jiray hadal jeedin ay lahaayeen qaar ka mid ah xildhibaanada.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise kaas oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saluugay sida ay xukuumadda hadda jirta uga jiifatay hanaanka doorasho iyadoo ilaa iyo hadda aan la garaneyn nuuca doorasho uu dalka gali doono.
Kalfadhiga Baarlamaankii ugu dambeeyay ayaa maanta furmay iyadoo xildhibaanada aysan aqoon nuuca doorasho ee dhaceysa, waxaana xusid mudan iney meel mariyeen sharciga doorashada.
Xildhibaanka Xuseen wuxuu kasoo horjeedaa in muddo kororsi loo sameeyo laamaha kala duwan ee dowladda.
“Doorasho qof iyo cod ah inaan la qaban karin in cudur daar looga dhigo xanuunka COVID19 waa wax aan suuragal aheyn, wakhti hore ayaa la dayacay, fayris-kaan dhawaan ayuu soo ifbaxay, waxaase iga su’aal ah saddex sano iyo bar ah maxaa la qabnayay” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Ciise Carab.
source https://www.caasimada.net/xildhibaan-carabow-waa-masuuliyad-darro-in-dowladda-aysan-aqoon-xilligaan-nuuca-doorasho-ee-la-galayo/
0 Comments