Wararkii ugu dambeeyey qarixii ka dhacay degmada Hodan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyey ugu yaraan illaa afar qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay, seddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax miino maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray hooyo iyo canug yar ay dhashay, kuwaas oo saarnaa Mooto Bajaaj ay la kacday miinadaasi, xilli ay mareysay agagaarka madaxtooyadii hire ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee magaalada Muqdisho.

Saddexda qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay inay marayeen wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo lala caaray mid ka mid ah  goobaha caafimaadka.

Warar qaar ee heleyso caasimada Online ayaa sheegaya in bartilmaameedka qarax uu ahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, walow uusan soo gaarin wax khasaare ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jiro faah faahin ay ka bixiyeen qaraxaasi iyo sidoo kale cid ay u soo qabteen falkaasi.

Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weerarada noocan oo kale ah ka fuliso gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, walow aysan weli ka hadlin qaraxaasi uu khasaaraha ka soo gaaray dad rayid ahaa oo aan waxba galabsanin.

 

 

 

 



source https://www.caasimada.net/wararkii-ugu-dambeeyey-qarixii-ka-dhacay-degmada-hodan-sawirro/

Post a Comment

0 Comments