Baladweyne (Caasimadda Online) Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray magaaladaBaladweyne iyadoo ay wehliyaan saraakiil ciidan, waxeyna safar kaga baxeen magaalada Dhuusamareeb.
Warar la helay ayaa sheegaya in taliyaha iyo saraakiisha la socota ay doonayaan iney halkaas ka fuliyaan abaabul dagaal oo ka dhan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida kuwaas oo kala xira gobolka Hiiraan.
Gen. Odowaa oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan taliska qeybta 27-aad ayaa dhawaan ka qeyb galay kulamo looga arrinsanayay duulaan ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Taliyaha waxey u aheyd markii ugu horreysay tan iyo magacaabisitiisii uu tago magaalada Baladweyne, wuxuuna doonayaa inuu sii wado hawlgallada ay ciidanka xoogga dalka ku doonayaan iney dalka kaga xoreeyaan kooxaha argagixisada.
Saldhig ku yaalla magaalada Baladweyne ayaa lagu soo dhaweeyay taliyaha ciidanka XDS, iyadoo saraakiil ka tirsan taliska 27-aad ee ka hawlgala Hirshabelle ay la qaateen kulan ay uga xog wareysanayeen qorshahiisa ciidan.
source https://www.caasimada.net/waa-maxay-sababta-taliyaha-ciidanka-xoogga-dalka-gen-odowaa-uu-u-tagay-beledweyne/
0 Comments