Sheekh ka tirsan Al-Shabaab oo sheegay inuu dawo u helay Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay inuu dawo u helay cudurka Coronavirus ee caalamka kusii faafaya, kaasi oo sidoo kale dad badan ku dilay gudaha Soomaaliya.

Sheekh Suldaan Muxamad Aala-Muxamad oo kamid ah mas’uuliyiinta Al-Shabaab ayaa sheegay inay jiraan dawooyin dabiici ah oo lagula tacaali karo cudurka safmareenka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Suldaan ayaa sheegay illaa afar dawo oo dabiici ah, oo uu sheegay in qaarkood ay kusoo urureen axaadiis laga weriyey rasuulka NNKH.

Dawooyinka dabiiciga ah ee Sheekhan uu xusay, oo badankood ku sheegay af-carabi ayaa waxaa ka mid ah: Cuud al Qisdi, huruurdda oo lagu darrayo biyo kulul, geed luquudda carabiga lagu yiraah Cirqusuus, iyo geed uu ku sheegay Luubaan-Dakar.

Waxaa xusid mudan in dawooyinka Shabaabka ay sheegeen ay yihiin kuwa aan calmi saynis ahaan la xaqiijin inay daweeyaanfayruska, sidaas darteedna ay muhiim tahay in qof kastauu dhaqtarkisia kala tashto dawo kasta oo uu qaadanayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii hore ee uu cudurka soo shaac baxay beenisay inuu ka jiro Soomaaliya, waxayna sheegtay inuu yahay cudurka loogu talo-galay in lagu laayo gaallada.

Si kastaba, Shabaabka ayaa markii dambe soo saaray bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kadib kulan ay ka yeesheen madaxdoodu arrimaha cudurka Coronavirus ay iska dhex magacaabeen gudigi ka kooban todoba xubnood oo la tacaala cudurka.



source https://www.caasimada.net/sheekh-ka-tirsan-al-shabaab-oo-sheegay-inuu-dawo-u-helay-coronavirus/

Post a Comment

0 Comments