Jilib (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u bilaabay mashruucii ay ugu magac dareyn carabiyeenta dadka Soomaaliyeed.
Mashruucaan oo bilooyin ka hor ay ku dhawaaqday Al-Shabaab ayey hadda waxay kooxdu sheegtay inay soo saartay dufcaddii ugu horeysay oo ka qalin jabiyey barashada Luuqadda Carabiga.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in dufcadaan ay ka qallin jabisay iskuulka lagu barto Luuqadda Carabiga oo ay ka furtay Magaalada Jilib, kaasi oo lagu magacaabo Alxikma .
Xafladda qallib jabinta oo u muuqatay mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa ujeedada mashruucaan ku sheegtay inay tahay in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo barashada Diinta Islaamka, taasi oo barashda luuqadda Carabiga ay sahli karto.
source https://www.caasimada.net/sawirro-kooxda-al-shabaab-oo-billowday-mashruuca-carabiyeynta-soomaalida/
0 Comments