Muqdisho (Caasimada Online) -Taliska ciidamada Xoogga Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/Galbeed
Taliyaha ciidamada dhulka Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi oo dhacay duleedka Janaale ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Dirir ayaa xusay in howlgalka uu yimid, kadib markii kooxda Al-Shabaab weerar madaafiic ah ay ku qaadeen saldhigyada ciidan ee ku yaalla halkaasi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si gaar ah howlgalkan uu uga dhacay tuulada Dug-wariiri, ayna ku dileen labo sarkaal oo Shabaab ahaa 27-kii bishan June ee 2020-ka, sida uu hadalka u dhihay.
Ugu dambeyn taliyaha ciidmada dhulkabee Xoogga Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan howlgallada ballaaran iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda gobolka Sh/ Hoose.
Janaale oo ka mid ah magaalooyinkii u dambeeyey ee ay la wareegeen ciidamada dowladda ayaa waxaa inta badan weeraro ku qaada Al-Shabaab.
source https://www.caasimada.net/saraakiil-ka-tirsanaa-al-shabaab-oo-lagu-dilay-gobolka-sh-hoose/
0 Comments