Maxaa kasoo baxay shirkii ay xalay Muqdisho ku yeesheen Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye?

Muqdisho (Caasimadda Online) Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay shir ay yeesheen wasiirada iyo xildhibaanada kasoo wada jeeda beesha Hawiye, wuxuuna ajandaha shirka ahaa maqaamka gobolka Banaadir iyo sida laga yeeli karo awood qeybsiga 4.5 ee la sheegay in lagu saleyn doono.

Shirkaan waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Senatoro,xildhibaanno iyogudoomiyaha gobolka Banaadir, xubnaha ugu muhiimsan ee laga dhex arkayay shirka waxaa ka mid ahaa Maxamed Abukar Islow oo ka mid ah siyaasiyiinta hawiye ee taageersan nidaamka hadda jira.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa qirtay in xubnahii ka qeybgalay shirkii xalay dhacay ay ka mideysnaayeen qadiyadda maqaamka Gobolka Banaadir, waxeyna isku raaceen in la raadiyo xaqqa ka maqan dadka gobolka.

Inkastoo ay hal meel wax u wadeen hadana xubnaha ayaa inyar ku kala aragti duwanaaday in gabi ahaan la celiyo 7-da kursi ee la sheegay in la siinayo gobolka Banaadir maadaama ay tahay wax aan u qalmin dadka dagan halka qaarkoodna aysan saluugin 7-da kursi balse ay kasoo horjeesteen in lagu qeybsado hanaanka 4.5

Waxey aheyd markii labaad oo ay beelaha Hawiye qabsadaan shir ay arintaan kaga hadlayaan, balse miisaan culus ayuu lahaa shirkii xalay ka dhacay Hotel Doorbin maadaama ay goob joog ahaayeen dad aad ugu dhaw xukuumadda hadda talada heysa.

Dhamaan dadkii kasoo qeybgalay kulanka waxey muujiyeen wadajir ay kaga soo horjeedaan hadalkii kasoo yeeray gudoomiyaha Guddigii wadajirka ahaa ee loo xilsaaray dhameystirka xeerarka doorashada Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.



source https://www.caasimada.net/maxaa-kasoo-baxay-shirkii-ay-xalay-muqdisho-ku-yeesheen-wasiirada-iyo-xildhibaanada-beelaha-hawiye/

Post a Comment

0 Comments