Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayey dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay gadaal ka riixeyso dagaalladaasi.
Fiqi ayaa tilmaamay in colaad beeleedyadaasi oo heshiis nabadeed laga gaaray ay markale hurinayaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa xusay in kooxda Al-Shabaab ay dooneyso inay ka dhax faa’iideystaan marka ay dib u qarxaan dagaalladaasi, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay u yeereen odayaasha beelaha qaar, wuxuuna carabka ku dhuftay inay ka xun yihiin xareynta maleeshiyaadka iyo wareejinta hubkooda.
“Waxa aan maqalnay in odayaasha qaar ee beelaha ay u yeereen Al-Shabaab iyaga oo ka xun xareynta maleeshiyaadka, wareejinta hubka iyo sugidda amniga, odaygii qaata amarkaas ee aada deegaannadooda dib yuusan nagu soo laaban, kamana aqbali doono cudur-daar” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Galmudug ay bilowday inay la wareegto maleeshiyaadka ku sugan deegaanadeeda iyo hubkooda, si loogu daro ciidamada daraawiishta iyo kuwa Booliska ee maamulkaasi.
source https://www.caasimada.net/galmudug-oo-eedeyn-la-yaab-leh-u-jeedisay-al-shabaab/
0 Comments