Dhuusamareeb (Caasimadda Online ) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka biyo diiday inuu ka qeyb noqdo war saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saari lahaayeen madaxda Maamul Goboleedyada ka jiro Soomaaliya.
Sida ay ogaatay Caasimadda Online, war saxaafadeedka ay soo saari lahaayeen maamul Goboleedyada ayaa ahaa in laga soo horjeesto afarta xeer uu soo gudbiyay Guddiga wadajirka dhameystirka.
War saxaafadeedka ay soo saari lahaayeen madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa si gaar ah looga soo horjeysan rabay xeerka Kuraasta Baarlamaanka ee loo wareejiyay gobolada.
Madaxda maamul Goboleedyada oo dhawr habeen ku wada hadlay qadka taleefoonka ayaa waxay xogta sheegeysaa in Maamulka Galmudug uu usoo horjeestay inuu ka qeyb noqdo, inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno go’aanada ay qaateen maamulada kale ee lagu tiriyo inay aad ugu dhow yihiin Dowladda Dhexe.
Madaxweynaha Galmudug Mudane Qoor Qoor ayaa madaxda Maamul Goboleedyada u sheegay in maamulkiisa uu yahay mid cusub isla markaasan hadda diyaar u aheyn inuu faraha la galo khilaaf iyo xeerar hor yaalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mudane Qoor Qoor ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay madaxda Dowladda Soomaaliya kuwaas oo ka shaqeeyey inuu noqdo madaxweynaha Galmudug, wuxuuna cadaadis xoog leh kala kulmayaa Dowladda Dhexe.
Dhawaan ayey aheyd markii Maamulka Galmudug uu ka gaabsaday inuu ka hadlo baaqii kasoo baxay Guddoomiyaha aqalka sare ee ahaa in Maamul Goboleedyada ay isugu imaadaan kulan deg deg ah si looga tashto waqtiga kala guurka ee uu dalka ku jiro.
source https://www.caasimada.net/galmudug-oo-diiday-inay-qeyb-ka-noqoto-war-saxaafadeed-ay-soo-saari-lahaayeen-m-goboleedyada/
0 Comments