Muqdisho ( Caasimada Online ) – Waxaa goor dhow Muqdisho ka bilowday dibadbax ay dhigayaan dadweyne fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.
Banaan-baxa oo ah mid ballaaran ayaa waxaa soo abaabulay oo tan iyo xalay ku howlanaa xubno ka kala socda maamulka G/Banaadir iyo Xooggaga Wadaniyiinta.
Dibad-baxyada ayaa haatan ka bilowday qeybo badan oo caasimada ka mid ah, sida, taalada Daljirka Daahsoon iyo isgoyska KM4.
Dadka dhigaya dibad-baxa oo laga soo aruuriyey dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha.
Ujeedka dibad-baxyadaan ayaa aha kuwa lagu taageerayo codsigii uu shalay Farmaajo ka hor jeediyey baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare.
Sidoo kale waxaa saaka la xiray jidad muhiim ah oo ay ka mid ah wadada Maka Al-Mukarrama, iyadoona la soo dhoobay ciidamo dheeraad ah, si ay u xaqiijiyaan amniga.
Si kastaba ha’ahaatee arrimahaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horey loo go’aamiyey in gobolka Banaadir uu 7 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, laguna qeybsinayo nidaamka 4.5, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen siyaasiyiinta waxgaradka Muqdisho.
source https://www.caasimada.net/dibadbax-ballaaran-oo-lagu-taageerayo-hadalki-madaxweyne-farmaajo-oo-ka-socda-muqdisho/
0 Comments