Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka la qorsheynayo inay dalka ka dhacaan 2020-ka illaa 2021-ka.
Guleed ayaa dalbaday in doorashada dalka ka qabsoomeysa ay noqoto mid heshiis lagu wadayhay, si loogfa baaqsado xasilooni darro siyaasadeed oo timaado.
Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyey hadalkii Madaxweynaha Soomaaloiya ee ahaa in dalka ay ka dhaceyso, islamarkaana aysan jiri doonin muddo kororsi.
“Waa go’aan wanaagsan hadalka Madaxweynaha ee ah in dalka ay ka dhaceyso Doorasho oo aan jiri doonin muddo kororsi, balse waxaa mudan in la isweydiiyo oo laga baaraandego waqtiga la heysto iyo howsha la rabo in la sameeyo.” ayuu yiri Cabdikariin.
Ugu dambeyn wuxuuu ugu baaqay dowladdda federaalka ah ee Soomaaliya inay xoojiso diyaar-garowga sidoo kalena ay diyaariyso dhammaan shuruudaha looga baahan yahay doorashooyinka soo socda oo isugu mida baarlamaanka iyo tan madaxweynaha intaba.
Hadalkan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo weli aysan cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso dhammaanka sanadkan 2020-ka illaa sanadka xiga ee 2021-ka.
source https://www.caasimada.net/cabdikariin-guleed-oo-dalbaday-arrin-muhiim-u-ah-doorashada-2020-2021-ka/
0 Comments