Tehran (Caasimadda Online) – Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa sheegay inaysan tixgalin doonin codsiga Iran ee ah xiritaanka madaxweynaha Mareykanka, taasoo la micno ah in Donald Trump uusan wajihi doonin wax khatar ah oo xarig ah.
Interpol ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegayso qawaaniinteeda ogeysiisyada inay ka mamnuucayaan “faragelin kasta ama hawlo siyaasadeed.”
Hadalka kasoo baxay Interpol ayaa imaanayo xilli shalay Dowladda Islaamiga ah ee Iran ay soo saartay waaran lagu soo xirayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo ay rumeysan yahiin iney ka dambeeyay duqeymahii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan xukuumada Tehran.
Iran ayaa booliska caalamiga ah ee Interpol ka codsatay iney gacan ka geysato sidii loo soo qaban lahaa Donald Trump, waxaana loo heystaa dilkii Qassem Soleimani, waxaana hadda arrintaas ku gacan seyrtay Interpol.
Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddomeeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagixisanimo.
Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.
source https://www.caasimada.net/booliska-interpol-oo-jawaab-deg-deg-ah-ka-bixiyey-dalabkii-iran-ee-xariga-donald-trump/
0 Comments