Al-Shabaab oo dilay Xasan Daahir Mire kadib eedeyn xasaasi ah oo ay u jeediyeen

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Galhareeri ee gobolka Galguduud waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen Xasan Daahir Mire oo ahaa wiil 23-sano jir ah.

Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Galguduud fagaarihii ay toogashadu ka dhacday, dadkii la isugu keenay, waxa uu ka hor sheegay in Xasan ay u heystaan fal basaasnimo ah, isla markaana uu sirdoonka dowladda Soomaaliya wakiil uga ahaa deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Waa xukunkii labaad oo Al-Shabaab ay fagaare ku yaalla deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud ka fuliyaan shalay, waxayna shalay gelinkii hore xukun jeedal ah ku fuliyeen laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay kufsi u geysteen gabar ka mid ah dadka deegaanka.

Dhalinyaradaas ayaa lagu fuliyey xukun ahaa min 100 jeedal, sidoo kale mid 14 neef oo Ari ah oo ay meherkii gabadha ah iyo in laga musaafirinayo deegaanka ayey sheegeen inay ku xukumeen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee la hadlay dadka la isugu keenay goobtaas.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan waxay ka fuliyaan xukunno dil u badan, waxayna badanaa dadka ay dilaan ku eedeeyaan inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo la howlgalayaasheeda.



source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-dilay-xasan-daahir-mire-kadib-eedeyn-xasaasi-ah-oo-ay-u-jeediyeen/

Post a Comment

0 Comments