Al-Shabaab oo dagaal culus kadib ‘afduub ka geystay’ gobolka Shabeelaha Hoose

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey kooxda Macawiisley iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen goobo ay ku sugnaayeen kooxda Macawiisley oo ku yaalla  deegaannada Yaaqbariweyne iyo Kaba-Hirig oo u dhow garoonka diyaaradaha Balidoogle.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda Macawiisley oo ka war-helay weerarkaasi ay dagaal kala hortageen Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in lagu jabiyey dagaalkaasi kooxda Al-Shabaab, islamarkaana lagu gaarsiiyey khasaare aad u culus.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay horey u afduubteen afar qof oo shacab ah oo labo ka mid ah uu xusay inay toogasho ku dileen, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan kooxda Macawiisley, iyadoona lagu soo warramayo inay raggii weerarka soo qaaday ay dib u laabteen.

 



source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-dagaal-culus-kadib-afduub-ka-geystay-sh-hoose/

Post a Comment

0 Comments