Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in gabar ka mid ah dadka deegaanka ay Sun ku cabtay gudaha degmada Guriceel oo ka tirsan gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in gabadha la dhigay isbitaal ku yaalla magaaladaasi, islamarkaana haatan lala tacaalayo xaaladeeda caafimaad.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in ay sun cabto gabadhaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadaasi ay salka ku heyso arrimo la xiriira Jaceyl.
Xaaladda caafimaad ee gabadhaan oo haatan dhaqaatiirtu ay la tacaalayaan ayaa laga deyrinaa, iyadoona ku jirto xaalad aad u adag, sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah.
Dhowaan ayey aheyd markii dhacdo tan la mid ah laga soo wariyey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa oo loo diiday gabar uu jecla uu sun ku cabay gudaah degmadaas, inkastoo uu la aqal galay markii dambe.
source https://www.caasimada.net/xaaladda-caafimaad-gabar-sun-ku-cabtay-guriceel-oo-laga-deyrinayo/
0 Comments