Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo warramayo in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Qaraxa oo ahaa miino, islamarkaana jugtiisa laga maqlay xaafadaha qaar ee caasimada ayaa waxaa lala bartilmaameeda gaari Toyota Hilux (Qooqan) oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyo ku weerara ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudaha caasimada iyo gobollada kale.



source https://www.caasimada.net/qarax-khasaare-geystay-oo-ka-dhacay-muqdisho-wararkii-ugu-dambeeyey/

Post a Comment

0 Comments