Boosaaso (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo ku sugnaa gobolka Bari ay la baxsadeen hubkooda, kadib markii ay si dhuumaaleysi ah uga fakadeen fariisin ku taalla deegaanka Af-Urur.
Ciidamadaasi ayaa lagu soo warramayaa inay u baxsadeen dhanka gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, iyaga oo doonaya inay iibsadaan hubkaasi oo u badan AK47.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta baxsatay ay yihiin kuwa dhowaan tababar loogu soo xiray xerada Xorgoble ee Qardho, iyadoona kadib la geeyey deegaanka Af-Urur, si ay ula dagaalamaaan Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan buuraleyda Bari.
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Genaraal Yaasiin Cumar Dheere ayaa amray saraakiisha ciidamada maamulkaasi in si deg-deg ah loo soo qabto askartaasi.
Sidoo kale taliyaha oo haatan ku sugan degmada Badhan, gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciidamadaasi, islamarkaana ay la tiigsan doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.
Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay askar ka baxsato Puntaland, waxaana jira ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo hub iyo gaadiid la goostay oo ku biiray Somaliland.
source https://www.caasimada.net/puntland-oo-hub-fara-badan-lagala-baxsaday-wararkii-ugu-dambeeyey/
0 Comments