Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey 18 May oo ah maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 1991-kii ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida deeqaha loo soo marsiiyo dowladda federaalka iyo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.
Biixi ayaa sheegay inay marka soo dhaweynayaan deeqaha ay ka helaan beesha caalamka, balse wuxuu tilmaamay in aysan aqbali doonin in loo soo marsiiyo dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in ay isku filan yihiin, islamarkaana xukuumadda Muqdisho ay tahay cadow ka soo horjeeda madax-banaanidooda iyo in la aqoonsado.
Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo afar sano ah hakad ku jira, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wax wada-xaajood ah aysa la geli doonin dowladda Soomaaliya inta ay Somaliland ugu yeereyso magaca gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taasina ay tahay xaqiraad, sida uu hadalka u dhigay.
Bixii ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay kula macamiil-tami karaan oo kaliya hal shardi, kaas oo ah inay u wada-hadlaan sidii labo dal oo daris ah.
Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in madaxda dowladda federaalka ay aaminsan yihiin midnimo oo kaliya, balse loo baahan yahay in laga heshiisyo ajanadaha laga wada-hadli doono, si ay natiijo waxtar leh uga soo baxaan wada-hadalla soo socda ee labada dhinac.
Halkaan hoose ka dhageyso codka.
source https://www.caasimada.net/muuse-biixi-oo-hal-shardi-ku-xiray-wada-hadallada-soomaaliya-somaliland/
0 Comments