Kismaayo (Caasimada Online) – Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahiyay in tiradii ugu badneyd ee hal mar kasoo goosta ciidamada maamulka Jubbaland lagu soo bandhigay goobo ka tirsan Jubbada Hoose.
Sida lagu qoray warbaahintaas, ilaa iyo shan ka mid ah askarta maamulka Jubbaland ayaa ka goostay saldhig ku yaala deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka ka ah magaalada Kismaayo.
Ciidmada ka goostay maamulka Juubaland iyo hubkooda waxey sida la sheegay isku dhiibeen xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.
Warka lagu faafiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in ciidamada is dhiibay ay dhibaato ka tabanayeen ciidamada Kenya.
Liiska Ciidamada isku dhiibay Al-Shabaab:
- Aadan Cismaan Cumar
- Cusmaan Maxamed
- Xuseen Ibraahim Xasan
- Cabdullaahi C/qaadir Cumar.
- Maxamed Cali Bakar
Al-Shabaab waxey sheegteen iney ciidamada kasoo goostay maamulka Jubbaland lacago ugu badaleen hubkooda isla markaana ay rajeynayaan iney dib ugu laabtaan eheladooda.
source https://www.caasimada.net/magacyada-shan-askari-oo-al-shabab-ay-sheegtay-inay-kasoo-goosteen-jubaland/
0 Comments