Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah caawa ugu dhowaaqday inay bilowday tartanka bixinta shatiga balookyada saliidda laga baarayo ee Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa qoraalka uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in maanta la bilaabay tartankaasi, isla markaana uu saamayn doono 7 balook oo ku kala yaalla Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in balookyada lagu tartamayo ay kala yihiin 52,153,164,165,177,178 iyo 204), kuwaas oo lagu maamuli doono xeerka Batroolka Soomaaliya.
Qorshahan tartanka shati bixinta ayaa socon doona ilaa bisha Maarso 2021, sida uu sheegay wasiir Hilaal.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-soomaaliya-oo-billowday-tartanka-bixinta-shatiyada-shidaal-baarista-dalka/
0 Comments