Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegay in qarax xooggan uu goor-dhow halkaas ka dhacay, sida ay ilo-wareedyo amni u xaqiijiyeen Caaismada Online.
Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyiga magaalada, halkaasi oo dadka ay ugu dalbaal-degayeen munaasabadda ciidda.
Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa, hase yeeshee mas’uul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.
Goobta qaraxa ayaa waxaa hadda ku baxay mas’uuliyiinta iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
Wixii kusoo kordha, kala soco Caasimada Online, Insha Allah.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-qarax-xooggan-oo-goor-dhow-ka-dhacay-baydhaba/
0 Comments