Dadkii shalay diyaaradda ku rasaaseeyey Qansaxdheere oo lagu raad joogo

Qansax Dheere (Caasimadda Online) – Waxaa soo baxayo warar dheeraad ah oo ku saabsan diyaaraddii sidday sahay gargaar ee shalay lagu rasaaseeyey deegaanka Qansaxdheere xilli ay doonaysay inay halkaasi ku degto.

Maamulka Degmada Qansaxdheere, oo ah halka lagu rasaaseeyey diyaaradda, ayaa sheegay inay  bilaabeen howlgal ka dhan ah dadkii ka dambeeyey fakaas.

Guddoomiyaha Degmadaas Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim ayaa tilmaamay in howlgalkaan ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada Dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee la sheegay inaysan ka tirsaneyn howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in falkaas ay ka dambeeyeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo si ula kac ah u beegsatay diyaaradda xilli ay gargaar u siday carruurta iyo Haweenka ku nool Gobolkaas.

Gargaarka ay siday diyaaradda ayaa waxaa la sheegay inay soo dhiibtay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca cuntada ee WFP.

“Daah ma saarno in Al-Shabaab ay ka dambeeyeen falkaas, balse waxaa nagu ballan ah inaan sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo dhigno,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Diyaaradaan ayaa la sheegay inay markii la rasaaseeyey kadib dib ugu noqotay Magaalada Muqdisho, waxaana laga leeyahay dalka Kenya.

Waa diyaaraddii labaad oo laga leeyahay Kenya oo lagu beegsado gudaha Soomaaliya bil gudaheed, waxayna Ciidamada Itoobiya dhawaan diyaarad ay leedahay Kenya ku soo riday Degmada Bardaale.

Al-Shabaab weli ma aysan ka hadlin falka lagu eedeeyey ee ah inay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday diyaaradaas, sidoo kalana Dowladda Soomaal iyo Kenya kama aysan hadlin.



source https://www.caasimada.net/dadkii-shalay-diyaaradda-ku-rasaaseeyey-qansaxdheere-oo-lagu-raad-joogo/

Post a Comment

0 Comments