Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale muddo kordhin cusub u sameeyey howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kadib kulan khadka Internetka ah oo ay yeesheen 29-kii bishaan.
Xubnaha golaha ammaanka ayaa isku raacay in muddo 9 bilood oo hor leh loogu daro AMISOM, si ay qeyb uga noqdaan howlaha lagu xoojinayo sugida amniga ee dalka.
Sidoo kale sababta ayaa waxaa lagu sheegay in lagu taageerayo muddo kordhinta loo sameeyey ciidamada AMISOM amniga doorashooyinka Soomaaliya, taas oo lagu wado inay dalka ka bilaabato dabayaashada sanadkan 2020-ka illaa sanadka xiga 2021-ka.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in muddadaas sagaalka bilood ah ay ciidamada AMISOM qaban-doonaan shaqooyin ay ka mid yihiin, in ay dib-u-habeyn ku sameeyaan howlaha lagu taageerayo qorshaha kala-guurka sida xaaladaha nabadgelyada; hagida iyo caawinta ciidamada amniga Soomaaliya.
AMISOM waxaa dalka ka jooga ku dhawaad 20,000 oo askari, waxuuna qararkan loogu sameeyay waqti kordhintii uuqeexayaa inay Soomaaliya ka bixi doonaan 2021-ka.
Ciidamada AMISOM oo dalka jooga muddo ka badan 10 sanadood ayaa dagaal adag kula jira dagaalyahanda hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.
source https://www.caasimada.net/ciidamada-amisom-oo-markale-waqtiga-loo-sii-kordhiyey/
0 Comments