Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsan milatariga Somalia.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ay weerar ka fuliyeen saldhigyo ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada hoose.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ay iska caabiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, islamarkaana halkaasi ay ku dileen 14 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in hub fara badan ay ka soo furteen Al-Shabaab.
Maalmihii dambe ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka shabellada Hoose, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan
source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-weerar-ku-soo-qaaday-ciidamada-df-oo-laga-dilay-14-ka-mid-ah/
0 Comments