Al-Shabaab oo shaacisay inay askar ku dishay weerar ka dhacay Baarsanguuni

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerar saacadihii dagaalyahaneeda ay ka fuliyeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baarsanguuni oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay la beegsadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi.

Warka Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in saddex askari ay ku dileen weerarka, islamarkaana 2 ka mid ah ay hubka ka furteen, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Jubbaland oo ku aadan weerarkaas oo uu xigay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Jubbaland, iyadoona ay dib noqdeen dagaalyahanadii weerarka qaaday.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya.



source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-shaacisay-inay-askar-ku-dishay-weerar-ka-dhacay-baarsanguuni/

Post a Comment

0 Comments