Al-Shabaab oo ka hadlay QARAXII uu maanta uu ka badbaaday taliye Cali Gaab

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saakay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lala eegtay gaari uu lahaa madaxa hawlgelinta caafimaadka ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Cali Xirsi Barre (Cali Gaab).

Hal askari ayaa ku dhintay, saddex kalana wey ku dhaawacmeen qaraxa, balse gaariga lama socon Cali Gaab oo sida la sheegay lala damacsanaa in lagu dilo qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Banaadir ee dagmada Hodan.

Xoogagga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qacida ayaa sheegtay qaraxii maanta ka dhacay sida lagu qoray warbaahinta afkooda ku hadasha.

Warbixin dheeraad ah kama sheegin qarax marka laga reebo iney soo qoreen  iney masuul ka ahaayeen qaraxii uu ka badbaaday Taliyihii hore Ciidamada Nabadgalyadda Wadooyinka ee Taraafiko.



source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-ka-hadlay-qaraxii-uu-maanta-uu-ka-badbaaday-taliye-cali-gaab/

Post a Comment

0 Comments