Kwale (Caasimadda Online) Ciidamada Amaanka Kenya ayaa hawlgal ay ka fuliyeen xaafada Kibundani ee deegaanka Kwale ku dileen Aabe lagu tuhmay Al-Shabaabnimo iyo caruurtiisa uu gabaad ka dhiganayay xilli ciidamada ay hawlgal lagu sugayo amniga wadeen.
Wargeyska Daily Nation oo aad looga tixgeliyo Kenya oo xiganaya warbixin kasoo baxday taliska ciidanka Booliska ayaa sheegay inuu Mohamed Mapenzi bam gacmeed kusoo tuuray saraakiil ciidan oo gudaha u galay gurigiisa.
Warbixinta la sheegay waxey sugeysaa in hawlgalka lagu dilay laba caruur ah uu dhalay shaqsiga la toogtay maadaama uu gabaad ka dhigtay, sidoo kale waxaa la sheegay in sarkaal ka tirsan ciidankii hawlgalka waday uu ku dhaawacmay bamkii lagu soo tuuray.
Waxaa la rumeysan yahay iney dhaawacmeen saddex caruur ah uu dhalay iyo xaaskiisa, ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaana sheegay in la farmuuqay.
Hawlgalkaan ayaa yimid kadib markii uu xogta bixiyay Saidi Chitswa oo loo yaqaano Ninja kaas oo la xiray kadib markii la ogaaday qorsheyaal uu maleegayay.
Dhanka kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay bam-booyin, dharka ciidanka iyo qoryo fudud laga soo saaray guriga uu daganaa Mapenzi oo xalay la toogtay, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa sidoo kale xilli laba lagu tuhunsan yahay Al-Shabaabnimo lagu toogtay magaalada Mombasa inta lagu jiray bishii April.
Suleiman Ali Kodza iyo Kodza ayaa lagu sheegay tuhunsanayaasha la toogtay bishii Hore, waxaana xog la helay la leeyahay waxey ka tirsanaayeen shabakadda Mapenzi.
source https://www.caasimada.net/aabe-looga-shakisan-yahay-al-shabaab-iyo-caruurtiisa-oo-la-dilay/
0 Comments