Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aano culus oo ka kooban illaa 24 qodob ku socda dhammaan Masaajidda dalka, lana xiriiro cudurka faafa ee Coronavirus.
Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa talooyin muhiim ah loogu jeediyey Imaamyada Masaajidda iyo dadka ku tukanaya ama ku cibaadeysanaya.
Qodobada ayaa waxaa ugu muhiimsan in Masaajidda loogu deeqo qalabka lagu baaro heer kulka qandhada qofka, lana baaro dadka galaya, in la badiyo Qur’aan aqriska, in qofka Muslimka ah uu ku tukan karo gurigiisa marxaladaan oo kale.
Sidoo kale wasaarada ayaa shaacisay inay xaaran tahay in qof qaba cudurka ama isaga shakiyey uu tago Masjidka.
Ugu dambeyn Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta ayaa amartay in la xiro goobaha weysaqaadka iyo musqulaha ama suuliyada.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go’aano adag oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Coronavirus, iyadoo mamnuucay isu imaatinada dadka.
Halkaan hoose ka aqriso qodobada oo dhameystiran:-
source https://www.caasimada.net/xf-soomaaliya-oo-soo-saartay-24-qodob-oo-ku-socda-masaajidda-ku-yalla-dalka/
0 Comments