Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa dabaal-deg weyn ka sameysay deegaanada Xarar-dheere iyo kuwa kale oo gacanta ku hayso kooxdaasi, midaasi oo ku aadaneyd guusha dagaalkii ay dowladda federaaka kaga saartay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.
Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo kamid ahaa Madaxda Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa arrinkaasi shaaciyey, xili uu dhowaan wareysi gaar ah siinayey idaacada VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dabaal-dagaasi u qasheen Xoolo, iyagoona durtaba bilaabay cabsi gelinta dadka ku nool magaalada Dhuusamareeb, oo ay si rasmiya ula wareegtay dowladdu.
Shaakir ayaa dagaalkii ay dowladda federaalku uga saartay Dhuusamareeb ku tilmaamay mid wadada loogu xaarayey kooxaha xagjirka ah, kuwaasi oo ay hadda u fududaatay fulinta qaraxyada iyo falalka lidiga ku ah amniga, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan ku caddeyneynaa Fantisiyihii ay dhowaan ka dhigeen Xarar-dheere iyo deegaanada ay xukumaan, kadib markii ay dowladda federaalka ay caasimada Dhuusamareeb kula dagaalantay Ahlu-Sunna Waljameeca oo ay kusoo duuleen” ayuu yiri Sheekh Shaakir.
Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa hore dagaal adag ula galay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyaga oo gebi ahaanba xiligaasi ka nadiifiyey deegaanada ay maamulkooda gacanta ku hayeen.
source https://www.caasimada.net/shabaab-oo-xoolo-u-qalatay-dagaalkii-df-ay-ahlu-sunna-uga-saartay-galmudug/
0 Comments