Sawirro: Axmed Madoobe iyo Xidig oo ku laabtay Kismaayo, kadib heshiiskii Nairobi

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golihii Isbedal-Doonka maamulkaas oo uu ugu horeeyo C/rashiid Xidig.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan.

Axmed Madoobe ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaas oo uu heshiis rasmi ah kula soo saxiixay xubnihii ugu saameynta badnaa ee mucaaradkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu Madaxweynaha Jubbaland la hadli doono warbaahinta, isagoona ka warbixin doono safarkiisii dalka Kenya.

Heshiiska ay wada gaareen dhinacyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey xubnaha beesha caalamka, walow uu weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland ee ka dhashay doorahadii ka dhacday Kismaayo.



source https://www.caasimada.net/axmed-madoobe-iyo-xidig-oo-ku-laabtay-kismaayo-kadib-heshiiskii-nairobi/

Post a Comment

0 Comments