Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-Cad oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee la qorsheynayo in la qabto 2020 illaa 2021-ka.
Dhaban-Cad ayaa shir saxaafadeedkiisa ku sheegay in Puntland ay ka digeyso dib u dhac ku yimaada doorashada, iyadoo la raadinayo mar-marsiimo gaar ah.
Wasiirka ayaa sheegay in dhaca uu sababi karo cawaaqib xumo siyaasadeed, khilaafaadyo hor leh oo soo kala dhex-gala dowladda dhexe iyo saamileyda siyaasadda.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland aysan aqbali doonin in la qaado talaabooyin aysan qeyb ka aheyn oo ku wajahan arrimaha doorashooyinka dalka.
Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa ku baaqay in loo loogu diyaar-garoobo doorashada soo socota, si loogu qabto xilligii loo asteeyey.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo walaac xoogan xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta qaarkood ay ka muujinayaan sida ay dowladda federaalka uga gaabisay diyaar-garowga doorashada 2020 illaa 2021-ka oo ku soo aaday, xilli haatan dalka uu ku jiro xaalad adag oo ay ugu daran-tahay mida la dagaalanka cudurka faafa ee Coronavirus.
source https://www.caasimada.net/puntland-oo-war-xasaasi-ah-ka-soo-saartay-doorashada-2020-2021-ka/
0 Comments