Garoowe (Warar Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey, oo saxaafadda u akhriyay warbixinta guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan-geli waayay amarkii Puntland ku xirtay xuduudka dhanka Somaliland iyo Ethiopia.
Wasiirka ayaa sheegay in laamiga dheer ee isku xira degaannada Puntland iyo Somaliland uu si caadiya u furanyahay, islamarkaana gaadiidka kala duwan ay maalinle u maraan, taasina uu isagu indhihiisa ku soo arkay kadib socdaal uu dhowaan ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sool.
Mudane Sabareey, ayaa ku baaqay in Puntland ay ciidamo gaar ah u samayso, dhaqan-gelinta bandowgii lagu soo rogay xuduudka dhanka Somaliland, maadaama uu socon waayay amarkii hore ee lagu xiray isu-socodka labada dhinac.
Warar ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in xuduudka Puntland la wadaagto dhanka Ethiopia uu isna weli furanyahay oo uusan ka dhaqan-gelin amarkii xukuumadda Puntland ku xirtay xuduudka, si looga hortago faafidda COVID-19.
source https://www.caasimada.net/puntland-oo-qirtay-inuusan-dhaqan-gelin-amarkii-ay-ku-xirtay-xuduudaha-somaliland-iyo-itoobiya/
0 Comments