Liibaan Axmed oo lagu dilay toogasho qorsheysan oo ka dhacday magaalada…

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeriya ayaa kasoo baxaya dil toogasho oo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay Rag ku hubeysnaa Bistoolado ugu geeysteen Askari ka tirsanaa ciidanka xooga dalka.

Askariga la dilay ayaa ka tirsanaa Ciidanka xooga dalka, gaar ahaan guutada shanaad qeybta 27-aad, kaasi oo Ragga hubeysnaa ay ku dileen xaafada Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.

Askarigaasi oo lagu magacaabi jirey Liibaan Axmed, ayaa ka hor inta aan la dilan iska caabin kala hortagay ragga hubeysnaa ee weerarka ku soo qaaday, isagoona ugu dambeyntiina u geeriyooday is-rasaaseyntaasi.

Ragga hubeysnaa ee fuliyay dilka Askariga, ayaa isla markiiba goobta iskaga baxsaday sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, ayaa gaaray goobta dilkaasi ka dhacay, kuwaasi oo meydka Askariga goobta ka qaaday kadib baaritaan kooban oo ay sameeyeen.

Ma jirro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada iyo maamulka Beledweyne oo ku aadan dilka Askarigaasi loogu geystay magaalada.

Weerarada noocan oo kale ayaa badana waxa fuliya xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo sheegta Mas’uuliyada dilalkaasi, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Kooxdaasi geysatay dilkaasi



source https://www.caasimada.net/liibaan-axmed-oo-lagu-dilay-toogasho-qorsheysan-oo-ka-dhacday-magaalada/

Post a Comment

0 Comments