Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabele, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid, Allaha u naxariisteen Xildhibaan Khaliif Muumin oo ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda maamulkaasi, kaas oo maanta u geeriyooday cudurka faafa ee Coronavirus.
Guudlaawe ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehellada iyo qaraabada uu ka baxay marxuumka oo muddooyinkaan lagu daaweynay isbitaalka Martiine ee M/Muqdisho.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi inay qaataan tallaabooyinka caafimaadka, si looga hortago fidista cudurka Coronavirus.
Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa noqday qofkii labaad ee cudurka ugu geeriyooda gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, tan iyo markii uu ka dilaacay Fayruska Corona.
source https://www.caasimada.net/hirshabelle-oo-war-ka-soo-saartay-geeridii-xildhibaan-khaliif/
0 Comments