Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale saaka Muqdisho dib uga bilowday banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo dil uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda 2 qof oo rayid ahaa ugu geystay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Dibadbaxa ayaa waxaa dhigaya dadweyne fara badan oo ay hormuud u yihiin dhalinyaro deegaanka ah, kuwaas oo ka careysan toogashadii xalay ka dhacday isgoyska Jubba.
Dadka dhigaya dibadbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah askarta dowladda, iyaga oo sidoo kale taayaro waa weyn ku gubaya jidadka Shingaani iyo Boondheere.
Sidoo kale dibadbaxayaasha oo aad u careysan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaalada horkeento askarigii ka dambeeyey toogashadaasi.
Dhinaca kale taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay askariga dilka geystay oo haatan gacanta ugu jira ciidamada ammaanka, kaas oo lagu magacaabo D/Le Booliis 26869 Xasan Aadan Xasan, islamarkaana ah 24 sano jir.
Eedeysanaha ayaa waxaa loo heystaa dilka labadda ruux ee kala ah Marxuumad Madiino Cabdullaahi Cabdi i17 sano jir ah iyo Marxuum Xasan Cali Cadaawe oo 24 jir ah.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa tan iyo xalay kacsaneyd, kadib markii labadaasi qof oo u hoggaansamay bandowga habeenkii ah lagu dilay afaafka hore ee hoygooda, taas oo dhalisay carada dadka weli dibadbaxa ka wada qeybo badan oo mid ah caasimada.
source https://www.caasimada.net/dibadbax-ballaaran-oo-markale-ka-bilowday-magaalada-muqdisho/
0 Comments