Biriq 5 ruux oo isku qoys ah ku dishay duleedka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb ( Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa sheegay in biriq ku dishay  ugu yaraan 5 ruux oo qoys ah sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa roob xoogan waxaa uu ka da’ayay Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoostaga, waxaana Shan Qof oo isku qoys ahaa ay ku geeriyoodeen  Biriq ku dhacday Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Innamid oo 35-km jahada Barri kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Biriqda ayaa ku dhacday reerka oo ka koobnaa 7-qof iyadoo isla goobta ku dishey afar caruur ah , hooyadii reerka, sidoo kalana waxaa dhaawacmay  mid ka mid ah caruurta sida dadka deegaanku sheegayaan halka qof kalana la la’yahay nolol iyo geeri.

Qaar kamid ah dadka deriska la ah qoyskaas biriqda ku dhacday Gurigooda ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga naxeen musiibada ku dhacday dadkaas, iyaga oo gurmad u sameeyey qoyska si loo helo halka qof ee maqan.

Roobab xooggan oo ay watay Biriq iyo Onkod ayaa abaara shantii saac oo habeeno ka bilaawday Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos taga waxa uuna istaagay wax yar uun ka hor salaadii subax ee saaka sida dadka deegaanka ku waramayaan.

Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanka ay Biriqda ku dhacday ay booqdaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug si ay u kuurgalaan xaalada dadka ku nool deegaankaas ulana kulmaan Ehalada qoyska dhibaatada gaartay.



source https://www.caasimada.net/biriq-5-ruux-oo-isku-qoys-ah-ku-dishay-duleedka-dhuusamareeb/

Post a Comment

0 Comments