Horudhac: Manchester City vs Manchester United… (Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay kulanka maanta ee Manchester Derby)

(Yurub) 02 Okt 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa doonaysa inay soo yareyso dhibcaha ay Arsenal kaga hayso hoggaanka horyaalka Premier League, marka ay maanta oo Axad ah ay garoonkeeda Etihad ku soo dhoweynayso Manchester United.

Red Devils ayaa dib ugu soo laabanaysa ciyaaraha Premier League tan iyo markii ay Arsenal 3-1 kaga badisay 4-ta bishii Sebtember, halka kooxda Pep Guardiola ay 3-0 kaga badisay Wolverhampton Wanderers ka hor inta aan la aadin ciyaaraha caalamiga ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Kooxaha: Manchester City vs Manchester United

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 04:00 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Michael Oliver (England)

Wararka Kooxaha:-

Daafaca kooxda Manchester City ee John Stones ayaa diyaar ah oo la heli karaa kulankan, kaddib markii uu dhaawac muruqa ah uu ku soo gaaray waajibaadka xulkiisa qaranka England.

Daafaca dhexe Man City ee Aymeric Laporte ayaa ku soo laabtay tababarka, laakiin kulankaan ayaa la filayaa inuu hoosta ka soo galay oo uusan ciyaari karin.

Kabtanka Kooxda Manchester United ee Harry Maguire ayaa kulankan ku seegaya dhaawac muruqa oo ku soo gaaray waajibaadka xulkiisa qaranka England.

Tababare Erik ten Hag ayaa goor dambe u yeeri doona Anthony Martial iyo Marcus Rashford oo labaduba dib u bilaabay tababarka Kooxda Man Utd.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Manchester City ayaa laga yaabaa inay saddex kulan oo xiriir ah horyaalka garaacdo Man United markii ugu horreysay tan iyo markii ay afar kulan oo is-xigta ka adkaadeen intii u dhaxeeyay April 2013 iyo November 2014.

>- Man United ayaa halis ugu jirta inay guuldarradii 18-aad ee horyaalka Premier League ay kala kulanto Man City, waxaana haddii ay taasi dhacdo ay barbarayn doonaan guuldarradii ugu badnayd ee ay kala kulmaan koox gaar ah, marka la lagu daro Liverpool iyo Chelsea.

>- Kulankaan Premier League ayaa waxaa badiyay 21 jeer kooxda martida ah markaas, ma jiro kulan kale oo guulo badan ay ka soo hoysay kooxda martida ah.

Manchester City

>- Manchester City ayaa laga yaabaa inay badiso siddeed kulan oo isku xigta iyadoo ku ciyaarays horyaalka gurigeeda, isla markaana ay dhalinayso ugu yaraan saddex gool guul kasta, taasoo ay ugu danbeysay inay sameyso Kooxda Tottenham sanadkii 1965.

>- Erling Haaland ayaa dhaliyey 100 gool 99 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan heer kooxeed, waxaana goolashaas ku jira 12 gool oo uu u dhaliyey Man City 7 kulan oo uu u saftay, waxa uu gool dhaliyey mid kasta oo ka mid ah lixdiisii shuut ee bartilmaameed toos ah oo uu ka sameeyey garoonka Etihad.

>- Kevin de Bruyne ayaa loo diiwaan-geliyey lix caawin iyo 25 fursadood oo uu abuuray, waxa uu gacan ka gaystay 30 gool 30-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo xiddigan reer Belgium uu ku soo bilowday safka hore ee horyaalka Premier League, isagoo dhaliyey 16 gool, isla markaana caawiyey 14 gool oo kale.

>- Tababare Pep Guardiola ayaa laga badiyay saddex ka mid ah afartii kulan ee Premier League uu ku wajahay Red Devils garoonka Etihad, waa kooxda kaliya ee uu ka horyimid in ka badan labo kulan oo horyaalka ah oo uu kula ciyaaray gurigiisa isagoo tababare ah ee uu guuldarro kala kulmay.

>- Ruben Dias ayaa hal kulan u jira inuu kulankiisii 100-aad u safto kooxda Manchester City.

Manchester United

>- Manchester United ayaa noqon karta kooxda afaraad ee horyaalka Ingiriiska taariikhda oo guuldarraysata labada kulan ee furitaanka horyaalka, isla markaana guuleysata shanteeda kulan ee ku xiga, waxaana haddii ay sidaasi dhacdo ay barbarayn doontaa Sheffield United (1931), West Bromwich Albion (1954) iyo Arsenal (2018).

>- Man United waxaa ugu dambeysay inay shan kulan oo isku xigta oo horyaalka ah badiso bishii April ee sanadkii 2021, markaas oo uu hoggaaminayay Macallin Ole Gunnar Solskjaer.

>- Waxa uu kulankan noqon doonaa kulankii ugu horreeyey tababare Erik ten Hag ee Manchester derby, mid kasta oo ka mid ah shantii Macallin ee hore marka ay ciyaareen kulankooda ugu horreeya horyaalka oo ay wajaheen Man City guuldarro ayay la kulmeen, waxaana haddii Ten Hag uu maanta adkaado kulankan derbiga ah uu barbarayn doonaa Macallin Alex Ferguson oo ahaa macallinkii ugu dambeeyey Man Utd ee guushiisii ugu horreeyey gaaray kulankii ugu horreeyey horyaalka ee Manchester Derby sanadku markuu ahaa 1987.

>- Ten Hag waxa uu badiyay siddeed ka mid ah sagaalkii kulan ee horyaalka iyo koobabkaba uu isagoo wata Ajax ka horyimid kooxda ay xafiiltamaan ee Feyenoord kulanka loo yaqaanno De Klassieker ee dalka Netherlands.

>- Cristiano Ronaldo ayaa kulankiisii shanaad oo xiriir ah horyaalka kursiga keydka ka soo kici kara markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2003, intii lagu guda jiray waayihiisii Sporting Lisbon.

>- Weeraryahankan ayaa 699 gool oo heer kooxeed ah dhaliyey tartammada oo dhan, waxaana goolashaas ku jira 497 gool oo uu ka dhaliyey kulammada horyaalka, waxaa loo diiwaan geliyey afar gool iyo labo kaar oo casaan ah 12 kulan oo tartan rasmi ah uu ciyaaray kulammada Manchester Derby.

>- Christian Eriksen ayaa hal kulan u jira inuu safto kulankiisii 400-aad ee horyaalka ah.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Manchester City: Ederson; Walker, Akanji, Dias, Cancelo; Silva, Rodri, De Bruyne; Foden, Haaland, Grealish.

Manchester United: De Gea; Dalot, Varane, Martinez, Malacia; Casemiro, Eriksen; Antony, Fernandes, Sancho; Rashford.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/kH5hfKG
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments