“Hadaladda Guardiola waa kuwo aad loogu deg-degay” – Erik ten Hag

(Manchester) 31 Okt 2022. Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ka jawaabay hadalka Pep Guardiola ee ku aadanaa in Red Devils ay ku soo laabatay wadada saxda ah.

Guardiola ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay jimcihii la soo dhaafay: “Waxaan dareemayaa in United ay ugu dambeyntii soo laabatay.”

“waxaan arkay Khamiistii 3-0 ay kaga badiyeen Sheriff, iyo kulankii Chelsea ee qeybta hore.”

Kaddib guushii 1-0 ahayd ay Red Devils kaga gaartay West Ham, Erik ten Hag oo ka jawaabayay ammaanta Pep Guardiola ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa in aad loogu deg-degay in sidaas la sheego.”

“Waxay ahayd inaan si fiican u maareyno qeybta labaad, laakiin ruuxda aan haysano waa mid cajiib ah.”

“Waxaan leenahay tayada aan ku dhalin karno gool, laakiin waa inaan horumar ka sameynaa kubbada cagta weerarka, waxaan ku soconaa wadadan, laakiin si aan halis ugu noqono qof kasta, waa in wado dheer loo maro.”

“Bilowgii, arrimaha waxay ahaayeen kuwo adag. laakiin waxaan ku sii dhawaaneynaa inaan horumar sameyno, waan wada shaqeyneynaa, niyadda kooxda waa mid wanaagsan, Waad arki kartaa, ciyaaryahan kasta wuxuu caawiyaa kan kale.”

“Waxaan arki karnaa xiriirka ka dhexeeya kooxda iyo taageerayaasha xilligan.”

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/2gMlmKA
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments