Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay warkii Xalay kasoo baxay Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA ee ahaa in Ikraan Tahliil ay ku baxday gacanta Ururka Al-Shabaab.
Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan oo ka sal-gaara dilkii loo geystay Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.
“Waa war aad looga naxo inaan maqalnay dilka Ikram Tahliil. Allah ha u naxariisto oo ha siiyo Jannah Fardousa” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Cumar Cabdirashiid.
“Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhu, isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddi ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loona xiksaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta ah ee arrintan daahsoon” ayuu sii raaciyey.
Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’aa tan iyo 26-kii June, saacado kadib markii ay VOA shaacisay xogtan.
Hooyada dhashay Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa dhankeeda waxaa ay Warbaahinta u sheegtay in Gabadheeda Ikraan ay ku maqan tahay gacanta Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya, waxaana shaki badan kajiraa cidda dishay Ikraan Tahliil oo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya.
The post Cumar Cabdirashiid oo RW Rooble u diray baaq ku aadan kiiska Ikraan appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/cumar-cabdirashiid-oo-rw-rooble-u-diray-baaq-ku-aadan-kiiska-ikraan/
0 Comments