Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay waxa magaalada Muqdisho qarax lagula eegtay Kolonyo uu la socday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo marayay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan.
Kolonyada uu la socday Taliyaha ayaa waxa lala eegtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ahaa nooca loo yaqaano Saruf, iyada oo ciidamadu ay rasaas xoogan ku fureen gaariga ka hor inta uusan qarxin, taasi oo fashilisay ujeedkii laga lahaa qaraxaasi.
Qaraxan lala eegtay Jeneraal Odowaa ayaa waxa uu dibada usoo saaraya halis cusub, taasi oo daba socota digniin uu habeen hore Taliyuhu u jeediyay qolooyin uu sheegay inay adeegsadaan Astaanta ciidamada iyo weliba maleeshiyaad si iskood ah u shaqeysta oo lacago qaata.
Taliyaha oo habeen hore shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in waayahan dambe ay soo bateen gaadiidka sida sharci darrada ah loogu buufiyo astaanta ciidanka xoogga dalka, isagoona digniin u diray dad uu sheegay in si sharci darro ah ay u isticmaalaan gaadiidkaasi, isla markaana ay kala wareegi doonaan cidii lagu arko hadda kadib.
Waxa kale oo uu isla habeenkaas uu sheegay taliyuhu inay jiraan askar aan ka tirsaneyn militeriga Soomaaliya oo iska gashada dareyskooda, kuwaasi oo badankood ay u shaqeeyaan hey’ado, shirkado iyo goobo kale oo gaar loo leeyahay, oo ay sharciga la tiigsan doonaan.
Qaraxa noocan ah ee shalay lagu weeraray Taliyaha ayaa badanaa waxa fulisa kooxda Al-Shabaab, inkasta oo muddooyinkii dambe ay hoos u dhacday awooda ay qaraxyada kusoo geliyaan caasimada, mana jirto ilaa hadda sheegasho kasoo yeertay dhankooda.
Isku-deyga dil ee qorsheysan ee taliyaha ayaa abuuraya tuhunka ‘qolo kale’ oo ilaa hadda si rasmi ah loo aqoonsaneyn, balse daba socota digniinaha uu badanaa hawada mariyo Jeneraalku, iyada oo dhowr jeer oo horena uu qaraxyo kala duwan ka bad-baaday, kadib digniino uu soo saaray.
source https://www.caasimada.net/isku-deyga-dil-ee-jeneraal-odowaa-iyo-hadalkiisii-hore-oo-abuuray-tuhun-halis-ah/
0 Comments